Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Musharaxii la tartamayey Jen. Gaafow oo tanaasulay iyo doorashada oo socota

Waxaa goor dhow ka bilaabatay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud doorashada kursi ka banaanaa golaha shacabka Somalia.

Waxaa doorashadan ku tartamaya labo musharax oo kala ahaa Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud taliyihii hore ee NISA iyo Xiirey Muxudiin Cumar.

Inta aysan ergooyinka bilaabin Codeynta ayaa musharaxa Xiirey Muxudiin Cumar waxaa uu goobta ka sheegay inuu u tanaasulay musharaxa la tartamaya oo ah Jen. Gaafow.

Balse, Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa sheegay in nidaamka doorashada uu dhigayo in xitaa haddii uu tanaasulo musharax doorashada la qabanayo, ergooyinkana ay diidmo ama doorasho ugu codeynayaan musharaxa haray.

Ergooyinka ayaa hadda bilaabay iney codeeyaan iyadoo doorashada uu ku soo haray Jen. Gaafow oo aysan jirin cid la tartameysa maadaama uu tanaasulay musharadxii la tartamayey.

La soco wixii soo korsha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Cumar Cali Idiris oo ka hadlay Xilkii dowlada ka qaaday iyo Qorshihiisa Mustaqbalka (Daawo Muuqaal)

admin

Trump oo si xun u bahdilay Agaasime katirsan Xafiiskiisa xili uu Wareysi bixinayay

Cabdi Cade

C/raxmaan C/shakuur oo si yaab leh uga hadlay kulankii Farmaajo & Madaxdii hore

Caydiid Ali
Taboola Ads ---