Jen. Gaafow oo ku guuleystay doorashadii Xildhibaanimo ee ka dhacday Dhuusamareeb (Daawo Sawirro)

Musharaxa Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa ku guuleystay doorashada kursi ka banaanaa golaha shacabka Somalia oo goor dhow ku soo gebagebowday magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa doorashadan isu soo taagay labo musharax oo kala ahaa Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud taliyihii hore ee NISA iyo Xiirey Muxidiin Cumar oo ahaa gudoomiyihii hore ee degmada Dayniile.

Inta aysan bilaabin codeynta ayaa musharaxa Xiirey Muxudiin Cumar waxaa uu goobta ka sheegay inuu u tanaasulay musharaxii la tartamayay Jen. Gaafow.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa sheegay in nidaamka doorashada uu dhigayo in xitaa haddii uu tanaasulo musharax doorashada la qabanayo, ergooyinkana ay u codeynayaan musharaxa haray.

Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud Gaafow ayaa cod aqlabiyad leh ku guuleystay markii dambe, iyadoo aysan jirin cid la tartameysay, waxaana doorashadan goob joog ka ahaa, Waxgarad, Siyaasiyiin, xildhibaano aqoonyahano iyo xubno kale.

Gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil Ibraahin (Xaliimo Yarey) ayaa ku dhawaaqday natiijada markii codbixinta ay dhamaatay, iyadoo sheegtay iney codeysay 51 ergo, Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud oo ahaa taliyihii hore ee NISA ayey sheegtay inuu helay codad gaaraya 43 uuna ku guuleystay doorashadii maanta ka dhacday Dhuusamareeb, halka musharaxii la tarrtami lahaa ee ka tanaasulay doorashada uu helay 7 cod, iyadoo 1 codna uu halaabay

Xaliimo Yarey ayaa intaa ku dartay in doorashada Kursigii ka banaanaa Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay laheyd Beesha Murusade gaar ahaan Jufada Habar Ceyno uu si buuxda ugu guuleystay taliyihii hore ee Nabad sugida Jen. Gaafow, iyadoo xustay in doorashadu ay u dhacday si cadaalad ah oo waafaqsan shuruucda doorashooyinka.

Kursigan uu maanta ku guuleystay Jen. Gaafow ayaa waxaa dhowaan iska casilay C/qaadir Gaafow Maxamuud oo noqday xildhibaankii ugu horeeyey ee iska casilay Baarlamanka Somalia.

Waxgaradka iyo qeybaha bulshada ee goob jooga ka ahaa doorashadii maanta ka dhacday Dhuusamareeb ayaa Jen. Gaafow ugu hambalyeeyey kursiga xildhuibaanimo ee uu ku guuleystay, iyagoo ALLE uga baryey inuu la garab galo xilka culus ee uu dhabarka loo saaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -