Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Shabaab oo Madaafiic ku weeraray saldhig milateri iyo afhayeen ka hadlay

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa saaka waaberigii waxay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhig Ciidamada Jubbaland ku leeyihiin degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Goobjoogayaal ku sugan degaanka la weeraray ayaa waxay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacay Xerada Ciidamada Jubbaland & agagaarkeeda.

Dadka degaanku waxay sheegeen ineysan cadeyn karin inuu jiro khasaare ka dhashay weerarkaas iyo in kale..

Afhayeenka Jubbaland ayaa sheegay in weerarkaas aysan ka dhalan wax khasaaro ah, balse madaafiicdas ay ku dhaceen qaarkood guryo ay deganaayeen dad rayid ah.

Ciidamada daraawiishta Jubbaland oo ka jawaabaya weerarkaas ayaa howlgalo ka bilaabay duleedka degmada Afmadow iyagoo baadi goobaya raggii weerarka soo qaaday oo baxsaday.

Dhowaan ayey aheyd markii xoogag ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku bilowday qarax gaari iyo mid toos ahba ku qaadeen saldhiga ciidanka Jubbaland ee ku yaalla degmada Afmadow.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Nolosha dadka Muqdisho oo u qeyb santay Dabaqad Sare iyo Dabaqad Hoose !!

Cabdi Cade

Dayuurado duqeeyey goobo shidaalka laga soo saaro oo ku yaalla Sacuudiga

Caydiid Ali

DF oo sheegtay iney diyaar u tahay wax ka bedelka Guddiga doorashada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---