Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madasha Xisbiyada Qaran oo War kulul ka soo saartay Guddiyada doorashada Federaalka

Madasha Xisbiyada Qaran ee ay hogaamiyaan madaxdii hore ee DF ayaa cambaareysay Guddiyada doorashada iyo Xalinta Khilaafaadka heer Federaal inay ka mid noqdeen xubno ka tirsan Hey’adda NISA iyo Shaqaalaha Rayidka, taasoo ay sheegeen iney baalmarsan tahay shuruucda dalka u yaalla, heshiiska doorashada iyo xeerarka Baarlamaanka, isa markaana dhaawaceysa kalsoonida lagu qabi karo hannaan doorasho xor iyo xalaal ah inay dalka ka dhacdo.

Madasha ayaa sheegtay inay ka sii afeefaneyso in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay qaadi doonaan mas’uuliyadda wax kasta oo keeni kara muran iyo is qabqabsi shaki geliya madax banaanida Guddiyada iyo natiijada doorashooyinka golayaasha Baarlamaanka Federaalka.

Hoos ka akhriso qoraalka Madasha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka oo la ildaran caabuqa Coronavirus & Khayre oo ka hadlay

Caydiid Ali

Ciidamo katirsan Danab oo baacsanaya Dagaalyahanadii weeraray Janaay Cabdalla

Cabdi Cade

Ciidamo hubeysan oo caawa xiray qaar ka mid ah jidadka muhiimka ah ee Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---