Xassan Shiikh & wafdigiisa oo Masjidka xaramka ku soo gutay Cumrada (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ka qeyb-galay Shirka Jidda ee Jaamacadda Carabta ayaa soo gutay  Cimrada Alle ee Masaajidka Xaramka Maka.

Madaxweynaha ayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu doceeyay  amni, nabad, horumar, iyo Xasillooni waarta.

Fadliga Cimrada awgeed ayuu Alle ka baryey inuu dalkeenna ka dulqaado waxa loogu yeeray argagixisada dhiig-miiratada ah ee ku been abuuranaya magaca diinteenna suubban ee Islaamka sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan-doceed la qaatay Dhaxal-sugaha Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Sucuudiga Amiir Maxamed Binu Salmaan, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal, kobcinta iskaashiga iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo ka qeybgalaya Meertada 32-aad ee Shir-madaxeedka Jaamacadda Carrabta ayaa Khudbad la wadaagay Boqorrada, Amiirrada, Madaxweyneyaasha iyo Hoggaamiyeyaasha Carbeed horumarka ka jira dalka, fursadaha iyo caqabadaha ku xeeran dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay waddo howlgallo qorsheysan oo dalka lagaga xoreynayo Alshabaab, loona diyaarinayo Ciidanka Soomaaliyeed inay si buuxda ula wareegaan amniga dalka, iyadoo ay qorsheyaashaas barbar socdaan hiigsiyo qaran oo ku aaddan deyn cafinta Soomaaliya iyo xasilinta siyaasadeed ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -