Axmed Madoobe oo Eedeeyay dowlada Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyanaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta hadal ka jeediyay furitaanka Shirka wadatashiga Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ayaa kaga hadlay arimo dhoor ah.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowlada Madaxweyne Farmaajo ay ku wado Madaxdooda dacaayaado aan jirin xili ay soo dhawdahay Doorashada Madaxda maamulada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland.

Waxa uu sheegay in Dowlada Federaalka ka faafineyso dacaayado aan waxbo ka jirin oo sheegaya in ay doonayaan in ay ku darsadaan waqti dheeraad ah xili doorashada ka dhaceysa maamulada qaar ay soo dhawdahay.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay nidaamka doorasho ee Dowaldda  Farmaajo ay dooneyso in ay dalka ka hirgeliso sanadka 2020 ee loo yaqaan Proportional Representation oo ah in Xisbiyada ay doortaan Ergooyin, ayaa sheegay in aan wax heshiis ah laga gaarin.

”Arrinta doorashooyinka guddiyo malahan, dowaldda dhexena keligeed malahan, waxaan ku heshiiney ma jiro, waxaan arkaayey warqado la sheegay in aan ku heshiiney, mabda ahaan ayaan Baydhabo isku waafaqney, laakiin wax la yiraahdo “hab deegaan doorasho” iyo wax noocaas ah waxba kama jiraan, ma ahan wax cid noo yeerin karto, guri lalama geli karo guddiyo madaxbanaan ayaan shaqo ku lahayn, cid gooni ah go’aan kama gaari karto doorashada 2020, doorasho aysan maamul goboleedyadu waxba ka ogeyn doorasho ma noqon doonto, Soomaaliyana kama dhici karayso, horayna ugama dhicin, taladuna waa inaka dhexeysa ”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Hadalka kasoo eeray Axmed Madoobe ayaa imaanaya xili uu meel xun marayo khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda maamulada dalka ka jira oo hada Garawe ku shirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -