Xukun dal dalaad ah oo lagu fuliyay nin lagu eedeeyay fasahaadinta dhulka iyo sameynta ..

Dowladda Iran ayaa xukun dal dalaad ah maanta ku fulisay nin u dhashay dalkaasi oo lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa dambiyo kala duwan, waxaana ninkan dal dalaada ku fulisay golaha garsoorka Iran oo horey xukun ugu riday.

Shahrouz Sokhanvari oo loo yaqaan Alex ayaa dowladda Iran ku riday xukunka dal dalaad ah, waxaana ninkan oo sannado badan ka maqnaa dalka Iran laga soo qabtay dalka Indonesia sannadkii 2020-kii.

Garsoorka Iran ayaa ku eedeeyay ninkan la dal dalay in hormuud ka ahaa fasahaadinta dhulka, tahriibinta dadka iyo haweenka sameeya anshax Xumida, waxa kale ninkan lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa falal kale oo aan wannaagsaneyn.

Shahrouz Sokhanvari ayaa dalka Iran ka tagay sannadkii 1983-dii, isagoo ku noolaa dalal ay ka mid yihiin India, Malaysia, Ukraine iyo Maraykanka, la hor intaysan la soo qabanin, laguna soo celin caasimadda dalka Iran ee Tehran sanadkii 2020-kii.

Dowladda Iran ayaa shalay sidaan oo kale xukun dal dalaad ah ugu fulisay saddex nin oo iyana lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen dibad baxyo rabshado watay oo dalkaasi ka dhacay, iyo dilka labo nin katirsanaa maleeshiyaad Kacaanka Iran la shaqeeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -