C/raxmaan C/shakuur oo si yaab leh uga hadlay kulankii Farmaajo & Madaxdii hore

Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur ayaa fasiraad yaab leh ka bixiyey qaabkii loo qaban-qaabiyay kulankii dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxdii hore oo dhowaan ka dhacay Villa Somalia.

C/raxmaan C/shakuur ayaa su’aal ka keenay in kulankaas uu abaabulkiisa sameeyo Taliyaha NISA, isagoo xusay inay in Ra’iisul Wasaaraha uu lahaa kaalintaas maadaama madaxdii hore ay ka mid yihiin dadka uu matalo beel ahaan iyo degaan ahaan.

“Kulanka Madaxdii hore iyo Farmaajo waxaa garwadeen ka ahaa Taliyaha Nabad-sugida, waxaa Madaxweynayaashii hore waxaa soo raadiyay waa Taliyaha NISA oo u tagay dhexdhexaadin ka galay, Aaway Ra’iisul Wasaarihii, maadaama Soomaalida 4.5 ay wax ku qeybsadaan Madaxweynayaashii hore waxay isku deegaan yihiin Ra’iisul Wasaaraha, maxaa Taliyaha Nabadsugida meesha keenay.

Sidoo kale C/raxmaan C/shakuur ayaa isweydiiyey shakina ka muujiyey sababta raisul wasaaraha uu uga qeyb geli waayey kulanka Farmaajo iyo madaxdii hore.

“Kulankii Madaxweynayaashii hore iyo Madaxweyne Farmaajo qeyb kama aheyn Ra’iiul Wasaaraha, haddii Madaxweynaha ku soo fashilmay inuu qanciyo dadkii ay isku degaanka ahaayeen sida Jubbaland iyo Puntland, Ra’iisul wasaaraha uma ogola inuu la xaaltamo dadkiisa, taliyaha Nabadsugida ayuu ku kalsoon yahay oo shaqada soo qabanaya, kuma kalsoona miyaa Ra’iisul wasaarihiisa siyaasada sida ay isku leeadahay ayaan rabnaa in looga hadlo, Taliye Nabadsugid shaqadiisa Siyaasad ma ahan” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo hadalkan ka jeediyey Munaasabad soo dhoweyn ah oo loogu sameeyay dalka Jarmalka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -