Allbanaadir.com
NEWS

DF oo war ka soo saartay Maxaabiistii ay is dhaafsadeen Somaliland & Puntland

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, ayaa bayaan ay soo saartay waxa ay ku soo dhaweysay talaabada ay maamulada Soomaaliland, SSC Khaatumo iyo Puntland isku dhaafsadeen Maxaabiis ay kala hayeen

Bayaankan ayaa lagu sheegay in arritan ay daba joogta dedaaladii uu hormuudka ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ka dib socdaalkiisii taariikhiga ahaa ee magaalada Laasacaanood.

Wasaaradda Cadaaladda ayaa sidoo kale bogaadisay Madaxda Maamuladaas oo muujiyay niyad wanaag isla markaana qaaday talaabooyin horseedaya nabad ka hanaqaada dalka

Sidoo kale qoraalkaan ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ay dhiirigalinayso Maamulada Somaliland, SSC-Khaatumo iyo Puntland in ay sii wadaan dedaaladan bilowga ah,  ilaa laga xaqiijinayo in xorriyadooda ay dib u hantaan Muwaadiniinta u xiran xiisadaha Colaadeed sidoo kalana la dardargaliyo wada hadalada Bulshada iyo nabadaynta.

HOOS KA DAALACO BAYAANKA WASAARADA

Related posts

Mid kamid ah Shirkadaha Isgaarsiinta ugu Weyn Afrika oo dacwad culus loo heesto

Cabdi Cade

Askar maxkamad loo saaray kaddib furin dagaal oo ay ka baxeen

Cabdi Cade

Ciidamadii diidanaa muddo kordhinta oo bilaabay iney ka baxaan Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---