Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Wararkii ugu dambeeyey shirka Madaxda dowlad goboleedyada maanta uga furmaya Kismaayo

Waxaa maanta la filayaa in Madaxda Maamul gobaleedyada ka jira dalka uu shir ugu furmo magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada hoose, iyadoo shirkan uu yahay mid aad xasaasi ah.

Hogaamiyaasha  Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa hadda ku wada sugan magaalada Kismaayo, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Madaxweynaha martida loo yahay ee maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Qodobada ugu waaweyn ee shirkan looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah khilaafka ka dhexeeya dowlad goboleedyada qaarkood iyo dowlada dhexe ee  ku saleysan fulin la’aanta dhinaca dowlada ee heshiisyadii horey loo wada gaaray.

Waxaa sidoo kale, shirkan looga hadli doonaa qodobo kale oo ay ka mid yihiin qeybsiga kheyraadka, dib u dhiska ciidanka, xaalada guud ee dalka iyo sidii looga dhabeyn lahaa heshiisyo ay horey u kala gaareen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Shalay ayaa waxaa la filayay inuu magaalada Kismaayo ka furmo Shirka Madaxda maamul gobaleedyada hase yeeshee shirkaasi ayaa baaqday sababo farasmo awgeed.

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa si wayn loo adkeeyay, iyadoo ciidan badan laga soo saaray xerooyinkooda, kuwaasoo ku sugan wadooyinka magaalada iyo xarunta uu shirka ka dhacayo ee madaxtooyada Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Kursigii loo diiday in uu u tartamo Jawaari oo Doorashadiisa la qabtay laguna guuleestay

Cabdi Cade

Xubno ka goostay Xisbiga Muuse Biixi oo taageeray C/raxman Ciro

Caydiid Ali

Xog: Cabsi soo wajahday Siyaasiyiin & Masuuliyiin la soo shaqeysay Farmaajo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---