Cumar Cali Idiris oo ka hadlay Xilkii dowlada ka qaaday iyo Qorshihiisa Mustaqbalka (Daawo Muuqaal)

Dawladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada Arimaha debedda ayaa dhowaan Xilkii laga qaaday Safiiro uu ka mid yahay Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Qadar.

Safiirkii Soomaaliya ee dalka Qadar   Cumar Cali Idiris oo ka hadlayey Go’aankaasi ayaa  sheegay inuu ku Farsaxn yahay wakhtiga uu soo shaqeeyay,  isagoo  xusay inuu Xilku yahay Meerto, Xilkana uu Dawladda u hayayey, hadana ay Dawladdu kala Noqotay,  Wuxuuna sheegay inuu Tegi doono dalka, Hadii Shaqo kale loo dirana uu diyaar u yahay,  Wuxuuna u mahad celiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qadar.

Gudiga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qadar   ayaa  Munaasibad Sagootin ah u Qabtay Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Qatar Cumar Cali Idiris,  Sidoo kale Munaasibadan ayaa waxaa goob joog ahaa Masuuliiyinta Safaarada Soomaaliya ee dalka Qadar, kuwaasi oo ay Safiirka ay soo wada shaqeeyeen.

Safiirka Soomaaliya  ee Qadar ayaa  lasoo magacaabay  28- Bishii 12-aad ee Sanadii 2010,  Waxaana la filayaa in dhowaan Dawladda Soomaaliya si rasmiya Danjire cusub ugu soo magacowda Dalka Qadar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -