Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo si qurux badan u sagootisay maxaabiis ay Puntland ka heysay (Sawirro)

Maamulada Somaliland iyo Puntland, ayaa maanta is dhaafsaday maxaabiis dagaal oo lagu kala qabsaday dagaalkii ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, waxa ayna maxaabiis is dhaafsigan ku yimaadeen wadahadal labada dhinac dhax maray.

Somaliland, ayaana maanta garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa si qurux badan uga soo sagootisay 11 maxbuus oo ay Puntland uga qabteen dagaalkii ka dhacay Laascaanood, waxa ayna maxaabiistan usoo xireen suudad qurax badan , iyadoona sagootin fiican loo sameeyay.

Maamulka Puntland , ayaa sidaan oo kale iyana saakay magaalada Garawe diyaarad uga saaray 15 maxbuus oo ay ku qabteen dagaalkii ka dhacay magaalada Laascaanood, waxa aynma Puntland dhankeeda maxaabiistan u xirtay suudad qurux badan, iyadoona sagootin tan Somaliland lamid ah u sameysay.

Dagaalkii ka dhacay magaalada Laascaanood , ayaa lagu kala qabsaday maxaabiis dagaal oo tiro badan, waxaana wali maxaabiis kala heesta maamulada Khaatumo iyo Somaliland, iyadoona xusid mudan tahay in dhawaan Khaatumo sii deysay qaar kamid ah maxaabiistii ay heysay.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan si yaab leh uga hadlay khilaafka dowladaha Soomaaliya iyo Kenya

Caydiid Ali

(Sawirro) Cali Guudlaawe oo warbixin xasaasi ah siiyey safirka Mareykanka ee Somalia

Caydiid Ali

Shiikh Shariif & Xasan Shiikh oo hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---