Trump oo si xun u bahdilay Agaasime katirsan Xafiiskiisa xili uu Wareysi bixinayay

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donlad Trump ayaa xili uu wareysi siinayay Telefishinka Caanka ah ee ABC si xun u bahdilay ku simaha agaasimaha guud ee Aqalka Cad Mick Mulvaney.

Trump ayaa xili uu ka jawaabayay su’aal la weediiyay waxaa agtiisa ku qufacay Agaasime Mick Mulvaney , waxaana Trump oo cod dheer ku hadlayay ku amray kuna canaantay agaasimaha in uu ka baxo qolka .

“Orod meelahaas ku qufac, waa uu qufacayaa aniga oo bartanka kaga jira in aan ka jawaabo su’aal, ma jecli taas, waad ogtahay, ma jecli, haddii aad qufacayso qol kale la aad, qolkana ka bax,ma qufici kartid” ayuu ka canaantay Trump Agaasime Mick.

Dhacdadan ka dhacday xafiiska gaarka ah ee Trump ee loo yaqaano Oval Office ayaa noqotay mid ay aad u hadal hayaan Warbaahinta, waxaana Madaxweynaha lagu dhaleeceeyay in xushmad daro u muujiyay sargaalkan katirsan xafiiskiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -