Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo laashay dacwad ka dhan ah Twitter

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa diiday sii socoshada, dacwad ka dhan ahayd shirkadaha waaweyn ee iska leh baraha bulshada gaar ahaan shirkadda Twitter-ka, taasoo ay dacwad ku soo oogeen, qaar ka mida dhibbanayaal ay eheladoodu ku dhinteen weeraro argagixiso.

Dhibbanayaasha dabada ka riixaya kiiskan ayaa dacwadooda saldhig uga dhigay sharciga la dagaalanka argagixisada ee Maraykanka, iyaga oo ku eedeeyey in shirkadaha iska leh baraha bulshadu, oo ay ugu horrayso shirkadda Twitter, inay ku guul daraysteen inay ka xakameeyaan kooxaha dembiyada abaabulan fuliya, inay adeegsadaan barohooda bulshada.

Garsoorayaasha maxkamadda sare ee Maraykanka ayaa go’aan midaysan ku laalay go’aankii maxkamadda hoose ee Maraykanku ay dib ugu soo noolaysay dacwaddan ka dhanka ah shirkadda Twitter. Tallaabadan ayaa guul u ah shirkadda Twitterka.

Dacwaddan waxaa dabada ka riixaya ehelada Maraykanka ah ee Nawras Alassaf oo u dhashay dalka Jordan, kaas oo sannadkii 2017 lagu dilay magaalada Istanbul, intii ay socotay xaflad loogu dabbaaldegayey sannadka cusubi. Weerarkaas ayaa ka dhacay xarun lagu caweeyo, waxaana sheegtay kooxda ISIS.

Dacwaddan ayaa ahayd, mid looga danlaha, in lagula xisaabtamo shirkadaha waaweyn ee iska leh baraha bulshada, waxyaabaha ay soo dhigaaan dadka isticmaala adeegyadooda, arrintaas oo walaac isa soo taraya ku haysa bulshada iyo sharci-dejiyayaasha Maraykanka.

VOA/REUTERS

Related posts

(Sawirro) Axmed Madoobe oo la kulmay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Federaalka

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Agaasime Koofi oo booqday Safaarada Somalia ku leedahay Imaaraatka

Cabdi Cade

Golaha Aqalka sare oo la horgeeyey xeer cusub oo bilow u ah qorshe muddo kororsi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---