(Sawirro) Axmed Madoobe oo la kulmay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Federaalka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada kula kulmay Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka ah kuwaasoo shalay gaaray Magaalada Kismaayo.

Lama sheegin waxa ay ka wada hadleen Axmed Madoobe iyo Xildhibaanadan oo horey u shaaciyey iney taageerayaan isaga.

Xildhibaanadan oo sidoo kale lasoo kulmay Hay”adaha kala duwan ee Dowlada sida Xildhibaanada Baarlamaanka labaad Iyo gudiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka ayaa Madaxweynaha la wadaagay aragtidooda la xidhiidha sidii habsami u socodka doorashooyinka Jubbaland loo ilaalin lahaa kuwaas oo la doonayo inay ku dhacaan si xor iyo Xalaal ah oo aan faro galin lahayn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -