Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Bashar Al-asad oo 12 sano ka dib booqasho taariikhi ah ku tagay Sacuudiga

Madaxweynaha Siiriya Bashar Al-asad ayaa gaaray dalka Sucuudiga, si uu uga qayb galo shir madaxeedka Jaamacadda Carabta oo la filayo in mar kale dib loogu soo celiyo xubinnimadii Suuriya ee dalalka Carabta.

Asad waxa uu u muuqday mid degan oo faraxsan markii uu kasoo dhaadhacay jaranjarada diyaaradii uu la socday, halkaasoo uu kusoo dhaweeyay Amiir Badr bin Sultan, guddoomiye ku xigeenka magaalada Makkah, oo uu weheliyo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Aboul Gheit iyo masuuliyiin kale.

Waxay noqonaysa booqashadii ugu horreysay ee uu ku tago boqortooyada tan iyo markii ay colaadda Siiriya billaabatay sannadkii 2011.

Ka qaybgalka Assad ee shir madaxeedka Jaamacadda Carabta, oo bilaabmaya Jimcaha maanta ah, ayaa ah tallaabo weyn xiriirka uu la leeyahay dalalka carabta, ka dib 12 sano oo uu hakad ku jiray, taasoo keentay in hoggaamiyaha uu u jeesto xulafada aan Carabta ahayn ee Iran iyo Ruushka si uu u sii haysto awoodda.

Ururka ka kooban 22-ka xubnood ah ee ku shiraya magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga, ayaa dhawaan dib u soo celiyey dalka Suuriya, waxana uu hadda diyaar u yahay in uu soo dhaweeyo Assad oo mar loo arkayey in uu yahay maamule gobol yar oo ka tirsan Suuriya, uu dib ugu soo laabto safkiisa.

Madaxweynaha Suuriya ayaa si rasmi ah loogu martiqaaday ka qaybgalka shir-madaxeedkan todobaadkii hore.

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa dadaal ugu jiray sidii gobolka loo nabadeyn lahaa, waxaana bilihii lasoo dhaafay Riyaad wanaajisay xiriirkeeda Iran, soona celisay xiriirkii ay la laheyd Suuriya Iran, oo ah taageeraha ugu weyn ee dowladda Suuriya ee dagaalka ka socday dalkaas, ayaa Shiinaha ku saxiixday bishii Maarso heshiiska dib u soo celinta xiriirka Sacuudiga.

Xiriirka soo cusboonaaday ee Sucuudiga iyo Iran ayaa la filayaa in uu saamayn togan ku yeesho dalalka Bariga Dhexe oo ay labada dhinacba taageeraan kooxaha iska soo horjeeda.

Si kastaba ha ahaatee, maalgashiga Suuriya ee ay dagaalladu aafeeyeen ayaaney u badnayn iney ku dhiiradaan dalalka carabta, maadaama ay curyaaminayaan cunaqabataynta reer galbeedka ee ka dhanka ah xukuumadda Bashar Al-Asad, waxaana laga yaabaa inay ka hor istaagto waddamada Carabta ee qaniga ku ah saliidda inay ku degdegaan inay sii daayaan lacagaha dib u dhiska ah.

Washington ayaa si adag uga soo horjeeday in caadi laga dhigo xiriirka kala dhexeeya Assad, iyadoo sheegtay in xal laga gaaro colaadda Suuriya kaasoo ku saleysan go’aannada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay tahay in marka hore la sameeyo.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Dimishiq iyo dalalka Carabta ayaa sii xoogaystay ka dib 6-dii Febraayo, dhulgariirkii ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya oo ay ku dhinteen in ka badan 50,000 oo qof, oo ay ku jiraan in ka badan 6,000 oo Suuriyaan ah.

Marka laga soo tago Sacuudiga, dalalka Urdun iyo Masar ayaa dib u cusbooneysiiyay xiriirkii ay la lahaayeen Dimishiq, ka dib dadaallo caadi ah oo ay sameeyeen Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn sanado ka hor.

Wali, Kuwait, Marooko, iyo Qatar, ayaa diidan in la caadiyeeyo xiriirka ay la leeyihiin Suuriya, Qadarna waxa ay sii ahaanaysaa taageeraha muhiimka ah ee kooxaha fallaagada Suuriya ee dagaalka kula jira Assad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaali xabsi 19 sano ah ku muteystay arrimo la xiriira Jaceyl iyo Maseyr

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey dhulgarirka Turkiga & geerida oo gaartay.. (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni Oo Joojiyey dhismeyaasha iyo deegaameynta dhul kuyaala Puntland .

Cabdi Cade