Muuse Biixi oo hanjabay “Waa soconayaa dagaalka inta taako Somaliland ah cadowgu ku jiro”

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ciidamada kala duwan ee dalka iyo shacabka taasoo maalinta 18-ka May.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu si adag uga hadlay gardarrada joogtada ah ee uusheegay in maamulka Puntland ku hayo xuduudaha Somaliland, waxana uu hoosta ka xariiqay inaanay cidna ka aqbalayn in taako ciidda Somaliland ka mid ah cidi gardarro kusoo doonato, isla markaana ay difaaci doonaan, waxana uu yidhi,“Sababta shantii Soomaaliyeed mid kasta  halkiisii maanta loogu ixtiraamayo ee Somaliland xadkeeda qudha ay Puntland iyo reerka deggeni  ugu soo riyoodeen qayb ka mid ah Somaliland baannu goosanaynaa oo aannu hab qabali ah u goosanaynaynaa waa wax iga dhaadhici la’.  Ama shanta Soomaaliyeed xuduudahoodu way wada burburi, haddii ay Somaliland oo qudha tahayna waannu difaacaynaa inta taako kamid ah xadka Somaliland uu cadow Soomaaliyeed ku jiro Abkuu doono ha sheegtee.”

Madaxweynuhu waxa uu xusay inuu dagaalka difaaca ahi sii socon doono inta cadowgu docodocaynta wado, “Ragga dheel dheelayow dagaalku wuu soconayaa  ilaa iyo taako Somaliland ah cadowgu ku jiro, intuu doonaba ha qaato’e dalkana waanu xoraynaynaa, ninna dulmiyi mayno, ninna ku xad-gudbi maynno,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu Doorashooyinka dalka kusoo foolka leh iyo sida uu ugu diyaarka yahay, waxana uu digniin u diray cid kasta oo aaminsan in beesha caalamku farogelin ku samayso doorashooyinka Somaliland habka Dimuqraaddiga ah uga dhaca, waxana uu yiri,“Anigu halkan doorasho iyo wixii shacabku oggolaadeen iyo sharciyad baan ku joogayaa, ka iga dambeeyaana intaas buu ku joogayaa, kuwii naga horreeyeyna sunno wacan bay inoo jeexeen, waxaynu u diyaar garoobaynaa doorashooyinkii, beesha caalamkuna doorashooyinkayaga soo farogelin mayso, kamana taliso oo sharcigayaga ma farogeliso, ninka u qayshadaana waa nacas.”ayuu yiri

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -