Sidee Somaliland ugu dabaaldegtay munaasabada 18-ka May (Daawo Sawirro)

Magaalada Hargeisa waxaa maanta lagu qabtay xuska maalinta 18-ka May oo sannadkan ku beegan 32 guuradii ka soo wareegtay markii Somaliland ay si iskeed ah ugu dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991-kii ayna dal tahay dal madax banaan inkastoo aysan jirin cid aqoonsatay

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibada lagu xusayey munaasibadda 18-ka May.

Munaasibad si heer sare ah loo agaasimay oo lagu qabtay fagaaraha caasimadda Hargeysa ee lagu xuso munaasibadda 18-ka May, islamarkaana ay madaxweynaha kala qaybgaleen madaxweyne-kux-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyaha golaha guurtida, guddoomiyaha maxkamadda sare, guddoomiye-ku-kuxigeenka golaha wakiillada, Madaxweyne ku xigeenadii hore, siyaasiyiin, diblomaasiyiin iyo haldoor kala duwan oo ka socday dalalka deriska iyo waddamada ay Somaliland saaxiibka yihiin iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

Waxaa fagaaraha lagu soo bandhigay cudud ciidan iyo saanad militeri, iyadoo hay’adaha  dalka iyo degmooyinka caasimadduna soo bandhigeen wax soo saarkooda iyo horumarka ay sameeyeen.

Ciidamada kala duwan  sida militeriga, Kamaandoosta, Asluubta, ilaalada Xeebaha, Laanta socdaalka iyo Booliska, ayaa gaardis iyo gaaddo-ka ciyaar farsamooyin ciidan ku dheehan yihiin fagaaraha kusoo bandhigay, kuwaasoo uu halkaas salaan kaga qaatay madaxweynaha, iyada oo sidoo kalena ay ciidamada kala duwani soo bandhigeen gaadiid dagaal oo casri ah iyo saanad kale oo muhiim u ah Somaliland.

Intaas kaddib, maayarka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa kelmed kooban ka jeediyey munaasibadda, waxana uu shacabka ku hambalyeeyey maalinta Qaran ee 18-ka May oo ku weyn quluubta shacabka reer Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ciidamada kala duwan ee dalka iyo shacabka oo uu ugu hambalyeeyey maalinta Qaran ee 18-ka May.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -