Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xiliga uu furmayo kalfadhiga 3-aad ee Baarlamanka Somalia oo la shaaciyay (Sawirro)

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta Shir guddoomisay kulanka guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS.

Waxaa looga hadlayay kulankaas furitaanka kalfadhigga 3-aad ee Golaha Shacabka oo bilihii la soo dhaafay xirnaa fasaxna ku jiray.

Kulanka Guddiga joogtada oo ay goobjoog ahaayeen xubnaha Guddiga waxaana ku weheliyay Guddoomiye ku-xigeenka labaad Mudane Cabdullahi Cumar (Abshirow) ayaa waxaa sidoo kale looga dooday ajandayaasha hortebinta u leh Golaha iyo waqtiga rasmiga ah uu golaha furmayo.

Waxaa lagu go’aamiyay kulanka ugu dambeyn in 29-ka bishan May 2023-ka oo ku beegan maalin Isniin ah uu furmo kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka 11aad ee JFS.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Shiikh Umal ka yiri hadalkii muranka dhaliyey ee C/raxmaan C/shakuur?

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo si deg deg ah uga laabatay go’aankii lagu xirayay xafiiska UNSOM

Cabdi Cade

Sacuudiga oo bedelaya xeer ka mid ah xeerarkii Salaada iyo dood kulul oo ka taagan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---