Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo shaacisay dadkii ugu badnaa ee laga helay Coronavirus

Wasaaradda Caafimaadka Somalia ayaa sheegtay in 24kii saacaood ee la soo dhaafay laga helay cudurka Coronavirus dad gaaraya 257 qof, tiradaasoo ah tii ugu badneyd ee Wasaaradu shaaciso tan iyo intii cudurku soo galay dalka.

“Maanta sabti ah waxaa cudurka laga helay dad cusub oo tiradoodu gaareyso 257 qof kuwaasoo 183 ka mid ah yihiin rag, halka 74 kalena ay yihiin dumar, waxayna tirada guud ee dadka cudurka laga helay Somalia oo dhan ka dhigeysa 5, 889 qof inta laga warqabo” ayuu lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada Caafimaadka.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in 255 ka mid ah dadka maanta laga helay cudurka ay joogaan Muqdisho, halka labada kalena ay ku sugan yihiin Galmudug & Hirshabelle.

Wasaarada waxay intaas ku dartay in dad gaaraya 15 qof ay 24kii saac ee la soo dhaafay u dhinteen cudurka kuwaasoo dhamaantood ku sugnaa Muqdisho.

Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Somalia ayaa horey u sheegtay in kiisaska cudurka ee laga helayo dalka ay sare u sii kaceyso maalinba maalinta ka dambeysa, loona baahan yahay shacabka iney ku dhaqmaan talooyinka ka hortaga ah si yareeyo faafida cudurkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Itoobiya oo War cusub ka soo saartay damaceeda badda Somalia

Caydiid Ali

Aawey Maamulkii G/Banaadir? (Nadaafad xumo baahsan oo ka taagan Muqdisho)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xaaf oo Qoraal Xasaasi ah ah u diray Wakiilada Beesha Caalamka (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---