Musharax Xildhibaan Generaal Gaafow oo si weyn loogu soo dhaweeyay Dhuuso Mareeb (Daawo Sawirada)

Waxaa goordhaw magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta Maamulka Galmudug gaaray Musharax Xildhibaan Jeneraal Cabdulaahi Gaafow Maxamuud oo u tartamaya Kursi ka banaan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Musharaxa waxaa garoonka Diyaaradaha magaalada Dhuuso Mareeb kusoo dhaweeyay Xildhibaano iyo Wasiiro katirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug iyo qeybaha kale ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Generaal Gaafow ayaa aad ugu mahad celiyay Masuuliyiintii iyo dadkii kala duwanaa ee kusoo dhaweeyay magaalada Dhuuso Mareeb, waxa uuna sheegay in magaalada u yimid in uu u tartamo kursiga Xildhibaanimo ee beeshiisa.

Doorashada Kursi kamid ah Aqalka Hoose uu dhawaan uu iska casilay Xildhibaan C/Qaadir Gaadow ayaa lagu wadaa in beri oo Talaado ah ka dhacdo magaalada Dhuuso Mareeb, waxaana kursigan inta la xaqiijiyay ku tartamaya Musharax Generaal Gaafow iyo Musharax kale oo la tartami doona.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -