(Daawo Sawirro) Shariif Xasan & danjire Keating oo gaaray Kismaayo & qaban-qaabo halkaas ka socota

Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Somalia Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa saaka gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose.

Shariif Xasan ayaa ku biiraya madaxda dowlad goboleedyada oo shalay halkaas wada gaaray si ay uga qeyb galaan shirka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada oo maanta la filayo inuu Kismaayo ka furmo.

Wararka ayaa sheegaya in Shariif Xasan uu shalay ka baaqday magaalada Kismaayo si uu uga qeyb galo aaska guddoomiyaha Baarlamanka Somalia hooyadiis oo ku geeriyootay Baydhabo, kaasoo soo sidoo kale uu ka qeyb galay wafdi ballaaran oo uu hogaaminayey Raisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre.

“Waxaa si nabad ah aan ku soo gaaray Magaalada Kismaayo, Waxaan u mahadcelinayaan Maamulka iyo Shacabka Jubbaland sida diiran ee noo soo dhaweyeen” ayuu yiri Shariif Xasan qoraal gaaban oo uu soo dhigay bartiisa facebook.

Sidoo kale, Ergayga gaarka ah ee QM u fadhiya Soomaaliya danjire Michael Keating ayaa  gaaray saaka Magaalada Kismaayo.

Guriga martida ee Dowalad Goboleedka Jubaland waxaa ku sugnaa oo ku soo dhaweeyey Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka wuxuuna qeyb ka yahay martida lagu casuumay shirka madaxda dowlad goboleedyada.

Amaanka xarunta uu ka dhacayo shirka oo ah madaxtooyada magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo xoojiyey, iyadoo calanka Somalia lagu xardhay goobtaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -