Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo ku jees jeesay Xildhibaanadii Mooshinka ka keenay ee Qabyo !!

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo xalay khudbad ka jeediyay ayaa weerar afka ah iyo jees jees isugu daray ildhibaanadii dhawaan mooshinka ka gudbiyay gaar ahaan garabka Qabyo ee taageersan Xasan Sheekh .

Farmaajo ayaa sheegay in uu xariir la sameeyay Gudoomiyaha golaha shacabka markii Mooshinka laga gudbiyay, waxa uuna xusay in Gudoomiyaha u sheegay in mooshinka kasoo gudbiyeen Xildhibaanada Qabyo una cadeeyay ujeedka ay ka leeyihiin.

”Gudoomiyaha markii uu mooshinka qabtay ayaan soo wacay, waxaan xiri Gudoomiye mooshin baad qabatee see wax yihiin, waxuu igu yiri mooshinka waa tiradaas waana i horyaalaa, waxaana ku iri waayahee yaa ka dambeeya mooshinka, waxuu igu yiri waxaa soo gudbiyay dad walaalahaa ah oo la yiraahdo Qabyo, waxaan ku iri ma Qabyadii aan isla ogeyn baa , haa buu yiri, waxaan ku iri bal fiiri Warqada Qabyo wax walbo haaf haaf ayey uga tagaanee amuu mooshinka haaf yahay, markii uu warqada dib u fiiriyay Gudoomiyaha waxa uu arkay saxiixyo la saxiixay 2017-kii tuhunka la qabana uu yahay 2018-ka dhamaadkiisa, waxaan ku iri saxiixyadan waa mid hore sidee isku waafaqayaan mooshinka hada , waxa uu igu yiri waxa ay arkayeen waxa hada soo socda sanad kadib, waxuu ii sheegay gudoomiyaha in saxiixyada aysan waqti laheyn sidoo kale mooshinka dadka saxiixay ku jiraan kuwa dibadaha ku xanuunsan aan la socon waxa socda, waxaan ku iri waxaana waa qabyee maxaa laga damacsan yahay, waxa uu igu yiri horey waxa ay u yiraahdeen Qabyo ninkeeda dhameestira, waxaan ku iri waa runee Qabyo ninkeeda dhameestira soo ma aheyn 2016-kii waxa uu igu yiri mayee waa 2019” Ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale isaga uu ku diganayay Xildhibaanada Qabyo waxa uu sheegay in ujeedka Mooshinka u gudbiyeen ay aheyd in ay rabaan in lagu daro Guddiga Hanti soo celinta, sidoo kale ay rabaan in ay sharafka umada soo celiyaan.

”Waxaa ku iri Gudoomiyaha Xildhibaanada Qabyo maxey rabaan, waxa uu yiri waxa ay rabaan in lagu daro guddiga hanti soo celinta oo iyagu maamulaan, waxa ay rabaan in ay ka shaqeeyaan isku soo dhawaanshaha shacabka iyo dowlada,waxa ay rabaan in dhameestir ku sameeyaan wax alaale waxii heshiisyo horey u jiray,waxa ay rabaan buu yiri in ay ka shaqeeyaan hufnaanta dhaqaalaha , waxa ay rabaan buu yiri in ay ka shaqeeyaan mushaar bixinta ,tan ugu dambeysa waxa ay rabaan buu yiri in ay soo celiyaan sharafta umada Soomaaliyeed” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Hadalada Madxaweynaha ayaa u muuqday mid uu ku diganayay Xildhibaanada taageersan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, waxaana xusid mudan in waxyaabaha uu sheegay Farmaajo intooda badan ku fashilantay dowladii hore ee Xasan Sheekh.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sayid-cali Macalin oo maanta mar kale Maxkamad kasoo muuqanaya

Cabdi Cade

Gabar la dilay oo Meydkeeda laga xaday Ehelkeeda oo doonayay in ay aasaan !(Sawirro)

Cabdi Cade

NISA oo digniin ka bixisay Qaraxyo laga cabsi qabo iney ka dhacan Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---