Ciidanka NISA oo shaaciyay natiijada ka soo baxday howlgal ay ka fuliyeen Muqdisho

Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay Xubin ka tirsan Alshabaab oo maleegayay Qaraxyo lagu waxyeeleynayo shacabka, sida uu sheegay Taliska NISA.

Warkan ka soo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo dhacay shalay shalay wax yar ka dib markii uu dhacay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Al-Shabaab ka geysteen xarunta degmada H/wadaag.

“Howlgal ciidanka nabadgalyadu ka fuliyay Muqdisho 2da Sabtembar 2018, ayaa lagu qabtay xubin Al-Shabaab ah oo maleegayay qaraxyo. Subaxii hore ee maalinkaa ayay Al-Shabaab ku gumaadeen shacab qarax ay la beegsadeen degmada Howl-wadaag.Nagu garab istaag ka hortaga Al-Shabaab si dadkeenu u gaaro nabad”. ayaa lagu yiri war qoraal ah oo la soo dhigay Barta Twitterka ee Hay’adda NISA.

NISA kuma sheegin warka ay soo saartay magaca ninkan iyo halka laga soo qabtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -