Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Weerar dhimasho sababay oo ka dhacay Suuqa Bakaaraha & faahfaahino ka soo baxaya

Ugu yaraan labo Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa lagu dilay weerar ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayaa yimid ka dib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay la socdeen askarta la dilay oo ku sugnaa Suuqa Bakaaraha sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Kooxaha dilka geystay oo la aaminsan yahay iney ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab ayaa ka baxsaday goobta.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa gaaray goobta iyagoo halkaas ka qaaday meydadka askarta la dilay oo ku jiray gaari lagu dhex dilay, waxayna halkaas ka sameeyeen howlgalo kala duwan.

Goobta lagu dilay askarta oo markii hore uu ka dhacay kala carar iyo khal khal fara badan ayaa caadi ku soo laabtay saacado ka dib markii ay halkaas ka tagaeen ciidamadii gaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad diiday in baaritaan caalami ah lagu sameeyo halka uu ka yimid Caronavirus

Cabdi Cade

Degmo ku taalla Somalia oo laga mamnuucay Ciyaaraha aroosyada & Indha shareerka

Caydiid Ali

Nin la shaaciyay in uu dhintay oo labo maalin kadib la arkay isaga oo nool xili la aasi rabay !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---