Allbanaadir.com
NEWS

Degmo ku taalla Somalia oo laga mamnuucay Ciyaaraha aroosyada & Indha shareerka

Guddoomiyaha degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose Aadan Cumar Madoobe iyo masuuliyiinta amniga ee degmadaasi ayaa amarro dul-dhigay shacabka halkaas ku nool.

Aadan Cumar Madoobe ayaa sheegay in degmada ay ka mamnuuceen Xirashada Indha-shareerka ama niqaabka sababo la xiriira dhinaca amaanka awgood, isagoo xusay in dhowaan degmada lagu qabtay rag watay indha sharer oo damacsanaa iney geystaan falal amni daro.

Sidoo kale, dumarka ayuu sheegay in laga joojiyay xerashada dharka aan asturneyn, wuxuuna xusay in dumarka looga baahan yahay iney xirtaan Jalbaab iyo dharka kale ee adag,

Baraawe ayuu sidoo kale sheegay in laga mamnuucay Ciyaaraha aroosyada ee sida wadajirka ah ay uga qeyb qaataan gabdhaha iyo Wiilasha taasoo uu sheegay Guddoomiyuhu iney khilaafsan tahay shareecada Islaamka.

Shacabka degmada Baraawe ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay amaradan, iyadoo qaarkood ay soo dhoweeyeen, qaar kalena ay dhaliileen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo ka hadlay Shirka Garawe iyo arrimo uu kala hadlay Madaxweyne Xasan

Cabdi Cade

Muxuu ka dhiganyahay Kulanka Musharax Khayre iyo Sergey Lavrov?

Cabdi Cade

Ciidamo cusub oo Milatari ah oo la geeyay Degmo Al Shabaab Go’doomiyeen (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---