Dowlada Somalia oo si kulul uga hadashay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Aadan Isaaq oo shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyay Khasaaraha ka dhashay weerar ismiidaamin ah oo maanta Al-Shabaab ay ka geysteen degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Aadan Isaaq ayaa marka hore ka tacsiyadeeyay Falkii Al-Shabaab maanta la beegsadeen xarun Dugsi Qur’aan, Masaajid iyo Xarunta degmada Howlwadaag oo ah goob Bulshada loogu adeego.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, Dowladda Soomaaliyeed waxay ka tacsiyadeyneysaa falkii guracnaa ee  argagixisada Al-Shabaab maanta ku beegsadeen xarun Dugsi Qur’aan, Masaajid iyo xarun Bulshada loogu adeego, xaqiiqdii ficilkaasi wuxuu tusaale u yahay siday uga go’aan tahay argagixisada dabar goynta shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.

Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenka wuxuu tilmaamay in laamaha amaanka ay hadda ku howlan yihiin tirakoobka dadkii waxyeelada ka soo gaartay Weerarkan ka dhacay degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan warbaahinta ugu soo bandhigi doonaan tirada saxda ah dadka ku waxyeelowday.

“Dowladda Soomaaliyeed iyo laamaha amaanka hadda waxay ku howlan yihiin tirakoobka saxda ahaa sidii loo heli lahaa dadkii halkaasi ku waxyeeloobay halka ay masiibada ka dhacday waxay ahayd Dugsi Qur’aan iyo Masaajid dumay,” ayuu yiri wasiirka.

Dhanka kale,Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay ka shaqeyneyso dhisida Masjidka dumay si loogu tukado salaadda, looguna gurman lahaa ardayda Dugsi Qur’aanka ee Qaraxa ku waxyeeloobay, wuxuuna carabka ku dhuftay in dowladda Soomaaliyeed Isbitaal ay geysay dadkii Weerarka bahalnimada ahaa ku dhaawacmay.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta ayaa ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed iney u midoobaan baabi’inta Kooxda Al-Shabaab, maadaama buu yiri iyaguba aanay u tureyn dadka shacabka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -