Nin la shaaciyay in uu dhintay oo labo maalin kadib la arkay isaga oo nool xili la aasi rabay !

Dhacdo cajiib ah ayaa ka dhacday gobolka Tamil Nadu ee dalka Hindiya, kadib markii nin loo heestay in uu geeriyooday mar qura la arkay isaga oo nool xili loo qaadi lahaa goob loo diyaariyay in lagu aaso.

Warbaahinta dalka Hindiya ayaa ku warantay in ninkan oo ahaa 74-jir ahaa loo qaatay in uu geeriyooday la galiyay balinjeerka la galiyo meydadka, waxaana xiligi la aasi lahaa dib uga dhacay maalin kadib markii ay mashquuleen kooxda aaska qaabilsan.

Kooxdii aaska qaabilsaneyd ayaa markii ay damceen in ninkan qaadaan ka dareemay gariir , waxa ayna taasi kaliftay in ninkaasi si deg deg ah looga soo saaro naxashka loona qaado isbitaal kale si xaaladiisa loola tacaalo.

Doctor Balajinathan, oo ah maamulaha isbitaalka dowladda ee ku yaalla magaalada Salem ayaa sheegay in ninka uu u muuqday nin hurda markii tallaagadda laga soo saaray kadib, waxa uuna markii dambe u geeriyooday dhibaato la xiriirta sanbabbada.

Isbitaal gaar loo leeyahay oo la geeyay ninkan xanuunsanaa ayaa xaqiijiyay in uu geeriyooday, waxaana maamulka isbitaalka ku wargaliyeen ehelada ninkaasi in uu dhintay una diyaargaroobaan aaskiisa.

Booliiska magaalada ay arintan ka dhacday ayaa bilaabay baaritaano ku aadan kiiskan, waxa ayna su’aalo weediiyeen booliiska dhaqaatirtii shaacisay geerida ninkan iyo qaar kamid ah eheladiisa.

Dad badan ayaana isweediiyay sida uu ninkan la sheegay in uu geeriyooday ugu noolaa saacado badan heerkulka aadka u hooseeyo ee firinjeerrada, waxa ayna dhacdadan hadal heyn badan ka abvuurtay gudaha dalka Hindiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -