Madaxweyne Deni oo Dalacsiiyay Ciidamo ka shaqeeyay Nabad gelyada Gobol katirsan Puntland

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.25 ee september 9, 2021, kuna saabsan Daslacsiin saraakiil iyo saraakiil xigeeno ka tirsan Ciidanka Puntland kuwaasi oo ka shaqeeyay nabadgelyada Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad

Markuu arkay: Agoontooda kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda Ciidanimo.

Wuxuu xeeriyay

Waxa min hal darajo la dalacsiiyey Saraakiisha iyo Saraakiil xigeenada hoos ku qoran oo dhmaantood ka wada tirsan Qaybaha Ciidanka Dowladda Puntland ee gobolka Mudug.

*Ciidamada Booliska Puntland

1. Waxa L/X/le Cabdiqani Yasiin Maxamud loo dalacsiiyey Dhame
2. Waxaa X/le Cabdimahad Cabdi Jamac Loo dalacsiiyey L/X/Le
3. Waxaa X/le Carab Cabdirasaq Axmad Loo dalacsiiyey L/X/Le
4. Waxaa X/le Maxamed Cabdi Farax Loo dalacsiiyey L/X/Le
5. Waxaa K/S Samatar C/lahi Aadan Loo dalacsiiyey X/Le
6. Waxaa K/S Ayaanle Axmad Aadan Loo dalacsiiyey X/Le
7. Waxaa K/S Maxamed Daahir Xuseen Loo dakacsiiyey X/Le

*Ciidamada Daraawiishta Puntland.

1. Waxaa G/dhexe Maxamud Maxamed Maxmud loo dalacsiiyey G/Sare
2. Waxaa G/Le Maxamed Mursal Maxamud loo dalacsiiyey G/Dhexe
3. Waxaa G/le Maxamed C.lahi Xirsi loo dalacsiiyey G/Dhexe
4. Waxaa G/le Cabdiqafar Xasan Cuuke loo dalacsiiyey G/Dhexe
5. Waxaa G/le Maxamed Axmed Muuse loo dalacsiiyey G/Dhexe
6. Waxaa Dhame Salaad Caato Ciiraale loo dalacsiiyey G/le
7. Waxaa L/x/le Khadar Jamac Caabi loo dalacsiiyey G/le
8. Waxaa L/X/le Raage Xasan Farax loo dalacsiiyey Dhame
9. Waxaa K/S Daahir Xasan Cali loo dalacsiiyey X/Le

*Ciidanka Nabad sugida Puntland

1. Waxaa Dhame Maxamed Khaliif Jaamac loo dalacsiiyey G/le

*Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

- Advertisement -