Tirada meydadka laga helay keynta Shakhola oo sii korortay iyo dad hor leh oo la xiray

Waxaa sii kordhaya tirada meydadka laga soo saaray keynta Shakhola oo kutaalla gobolka Xeebta ee dalka Kenya, waxaana wali booliiska baadigoob ugu jiraan raadinta meydad hor leh oo la rumeesan yahay in keynta ku aasan yihiin.

Baarayaal katirsan booliiska Kenya ayaa shalay oo Sabti ah helay meydadka 22-qof oo ku aasnaa keynta Shakhola , waxa ayna dadkan kamid ahaayeen kuwii baahida isku dilay iyaga oo adeecayay ammar uga yimid waddaad kirishtaan ah.

Guddoomiyaha gobolka Xeebta Kenya kuyaalla Rhodah Onyancha oo ah oo la hadashay warbaahinta ku sugan keymaha Shakahola ayaa sheegtay in la helay meydad 22-qof ,kuwaa oo laga soo saaray goobo ay ku aasnaayeen.

Tiradada dadka isku dilay baahida ee adeecsanaa baadari hadda xabsi ku xiran ayaa gaartay 201-qof, waxaana laga cabsi qabaa in ay sii kordhaan tiradad dadka dhintay ee laga baadi goobayaa keymha Shakhola.

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa sidoo kale soo xiray eedeysane kale oo loo heesto ku lug lahaanshaha falkan, waxaana dadka u xiran fal dambiyeedka geerida dadkan badan ayaa mareysa 26-qof .

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -