Allbanaadir.com
NEWS

Hal arin oo Sabab u ah falalka amaan daro iyo kufsiga kusoo badanaya Muqdisho oo laga hortagayo

Waxaa xalay xarunta gobolka Banaadir ka dhacay shir looga hadlayay amaanka degmooyinka gobolka iyo sidii looga hortagi lahaa falalka amaan daro iyo kufsiga kusoo badanaya Caasimada.

Kulankan oo ay yeesheen maamulka gobolka iyo Gudoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa looga dooday waxyaabaha sababay falalka amana daro ee soo kordhay iyo sidoo kale kufsiga magaalada ka dhacayay maalmihii lasoo dhaafay.

Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu bilaabi doono howlgal ka dhan ah waxyaabaha maanka dooriya uu sheegay in sabab u yihiin falalka amaan daro iyo kufsiga magaalada ka dhacaya.

Waxa uu sheegay Afhayeenka inta badan dadka falalka amaan daro gaar ahaan dhaca ka geesta magaalada Muqdisho iyo kuwa kufsiga geesta yihiin dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya sida xashiishka iyo calaqa.

Magaalada Muqdisho ayaana waxaa kusoo kordhay mudooyinkan dambe kufsiga arxadan darada ah ee loo geesanayo dumarka iyo caruurta, waxaa sidoo kale magaalada kusoo badanaya dhaca ay geesanayaan kooxaha burcada ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Iska hor imaad xalay ka dhacay Muqdisho iyo kooxo hubeesan oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade

Al-Sisi oo ka hadlay sababta ay hubka u siiyeen Somalia

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse iyo Karin Johansson oo arrimo Muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---