Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Kumandoska Gorgor oo qaaday talaabo si weyn loogu amaanay (Sawirro)

Ciidanka Gorgor ee xooga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta waxa ay samata bixiyeen Qoysas fara badan ku go’doonsanaa xaafadaha magaalada Baladweyne oo uu ku fatahay wabiga Shabeelle.

Qoysaska ayay ciidanku geeyeen goobaha taagga ah ee duleedyada magaalada Baladweyne.

Saraakiisha ciidanka Gorgor ayaa waxay sheegeen inay sii wadayaan gurmadka ay u sameynayaan dadka walaalahooda ee uu ku fatahay Webiga Shabeele.

Talaabadan ay ciidanka Gorgor ku garab siinayaan shacabka fatahaadu saameysay ee reer Balad-weyne ayaa si weyn loo soo dhoweeyey.

Dadka ku nool Magaalada Beledweyne ayaa maalintii labaad wajahaya dhibaatada uu geysanayo fatahaadda Webiga Shabelle, waxaana fatahaaddan ay saameyn ku yeelatay dhan walba oo nolosha dadweynaha ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Meydadka dad ka badan 70-Qof oo la geeyay Hal Isbitaal oo kuyaala Muqdisho iyo Khasaaraha oo…

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo gaaray Addis ababa & faahfaahin ku saabsan ujeedada safarkiisa (Sawirro)

Caydiid Ali

Putin oo dhunkaday Kitaab Quraan ah oo la gudoonsiiyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---