Muuse Biixi oo gaaray Addis ababa & faahfaahin ku saabsan ujeedada safarkiisa (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo wefdi uu hoggaaminayey ayaa galabta gaaray dalka Itoobiya, safarkaasoo qaadan doona maalmo kooban.

Afhayeenka madaxweynaha Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac ayaa sheegay in Ujeedada safarka safarkani la mid yahay safaradii shaqo ee hore madaxweynuhu ugu bixi jiray waddamada caalamka iyo dalalka aynu jaarka nahay, waxaanu yidhi afhayeenku “waxa uu madaxweynuhu halkaasi kulamo kula yeelan doonaa hoggaamiyeyaasha qaarada Afrika, waxaana magaalada Addis Ababa ku sugnaa wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo halkaasi ka waday hawlo diblumaasiyadeed”.

Sidoo kale waxa uu afhayeen Maxamuud Warsame sheegay in safarkan madaxweynuhu xoojin doono hawlihii diblumaasiyadeed ee wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ahi halkaasi uu u joogay muddooyinkii u danbeeyey, safarkan madaxweynuhu waxa uu qaadan doonaa muddo kooban waxaana ku wehelinaaya madaxweynaha safarkan xubno ka mida golaha wasiirada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -