Allbanaadir.com
NEWS

Xog: Wafdi ka socda dowlada Somalia oo gaaray Magaalada Doha (Sawirro)

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa gelinkii dambe ee maanta oo ah Talaado booqasho rasmi ah oo dhowr maalmood ah ku gaaray Caasimadda dalka Qatar ee Doha.

Wasiiru dowlaha iyo wafdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha waxaa ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Waaxda Hab-maamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar iyo Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya.

Cali Maxamed Cumar ayaa inta uu booqashada ku joogo dalkaasi waxa uu la kulmi doonaa dhiggiisa Qatar.

Waxay ka wada hadli doonaan sare u qaadidda xiriirka labo geesoodka, dardar-gelinta heshiisyadii hore loo saxiixay iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah oo dhan waliba ah oo nacfi wadaag u leh labada dhinac sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaarada arrimaha dibeda Somalia.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in safarka Cali Maxamed Cumar uu hordhac u yahay wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Xassan Shiikh oo maalmaha soo socda ku wajahan magaalada Doha.

Related posts

Musharax Liibaan Axmed Xasan oo bogadiyey talaabo uu qaaday hogaanka Galmudug

Caydiid Ali

Majaajiliiste Ruush ah oo si yaab leh u khiyaamay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Britain

Caydiid Ali

(Sawirro) Axmed Madoobe & C/rashiid Xiddig oo saaka ku laabtay Magaalada Kismaayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---