(Sawirro) Axmed Madoobe & C/rashiid Xiddig oo saaka ku laabtay Magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ay wehelinayaan Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Sheekh Daahir oo kamid ah xubnaha isbadal doonka Jubbaland ee dhawaan heshiiska la gaaray Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada kismaayo.

Iyadoo la ilaalinayo badqabka Bulshada waxaa Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee safarka ku wehelinayay ay mareen baaritaan Caafimaad iyadoo Madaxweynahu uu xariga ka jaray qaybo Cusub oo lagu kordhiyay garoonka Diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan.

Madaxweynaha oo Saxaafada kula hadlay qaybta nasashada garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in uu si wanaagsan kusoo dhamaaday heshiiskii ay dhawaan gaareen xubnaha golaha isbadal doonka iyo Xukuumada Jubbaland waxaa Madaxweynahu uu hoosta ka xariiqay in danta shacabka ay ku jirto heshiiskaas oo aan shaqsi loo danaynin balse shacabka loo turay.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in shacabka Jubbaland ay wadajir iyo Midnimo ku gaari karaan Hormar guud taas oo ay qayb ka tahay in wixii lagu kala aragti duwanaado wada hadal lagu xaliyo.

Wuxuu intaas ku daray Madaxweynahu in heshiiskaas uu u dhexeeyay Dowlada Jubbaland iyo xubnahii saluugay Doorashadii Sanadkii hore isla markana diyaar ay u yihiin in wixii dhiman la dhamaystiro isla markana laga shaqeeyo sidii shacabka Jubbaland ay dantoodu u noqon lahayd mid laga wada shaqeeyo.

Dhamaan dhinacyadii ka qaybqaatay sidii xal looga gaari lahaa khilaafkii jiray ayuu Madaxweynahu uga mahad celiyay sidii ay u garab istaageen shacabka reer Jubbaland sidii midnimadooda iyo wadajirkooda loo adkayn lahaa.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu ka hadlay Khilaafka Jubbaland iyo Dowlada Federaalka ah isagoo sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay wakhti walba in wada hadal lagu xaliyo waxyaabaha lagu kala aragti duwan yahay isla markana Dowlada Federaalku ay qaadato doorkeeda la xiriira isku haynta dadka iyo sidii wadajir loogu wajahi lahaa qorshayaasha hortabinta leh.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhibaatada aduunka saamaysay ee Xanuunka Covid19 ay tahay mushkilad u baahan in dadku ay raacan fariimaha iyo talooyinka Hay’adaha Caafimaadka dalka maadama aan wali daawo loo haynina ay dadku kala fogaadan si looga hortago in xanuunkan uu ku faafo Bulshada.

Goobaha Ganacsiga Masaajidada ah iyo meelaha kale ee dadku ay ku badan yihiin ayuu Madaxweynahu sheegay in laga fogaado taasoo xalka kaliyaha ee lagu yarayn karo faafida Xanuunkan.

Waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in dhibaatooyinka dabiiciga ah ay yihiin kuwo u baahan in gurmad deg deg ah laga sameeyo isagoo xusay in xili roobaadkan ay jiraan fatahaado iyo daadad dhibaato ku ah Bulshada tabarta yar si gaar ahna deegaanada Jubbaland ee ilaa hada dhibaatooyinka laga soo sheegay ayuu xusay Madaxweynahu inay kamid yihiin Degmada Baardheere iyo qaar kamid ah Jaziiradaha Gobolka Jubbada Hoose dhamaan dhinacyada ay qusayso ayuu ugu baaqay inay ka qaybqaatan gurmadka loo samaynayo dadka ay saamaynta ku reebeen xaaladaha dabiiciga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -