Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka, Donald Trump ayaa lagu helay dambi ah in uu ku xad-gudbay sidoo kale sumcad dil u geestay haweeney qoraa ah oo lagu magacaabo Elizabeth Jean Carroll.
Maxkamadda ayaa ku xukuntay Donald Trump inuu uu siiyo 5 milyan oo doolar oo magdhow ah qoraaga joornaalka E. Jean Carroll uu ku saneeyay ku xad-gudub galmood sagaashamaadkii, kaddibna ku sumcad dilay in ay beenaale tahay.
Donald Trump, oo mar kale u ololeynaya in uu dib ula wareego Aqalka Cad sannadka 2024-ka, ayaa racfaan ka qaadan doona dambigan lagu helay, sida uu qareenkiisa Joseph Tacopina ugu sheegay saxafiyiinta bannaanka hore ee maxkamadda Manhattan.
Waxa uu sheegay madaxweynihii hore ee Mareykanka in go’aanka dacwadda madaniga ah ay tahay mid ceeb ah oo isagu dhibane u yahay, waxa uuna kiiskan ku tilmaamay mid lasoo abaabulay oo la doonayo in lagu sumcad dilo.
Haweeneyda magdhawga loo xukumay ee E. Jean Carroll ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay go’aanka maxkamadda kasoo saartay kiiskeeda, waxa ayna ku tilmaantay go’aankan yahay mid loogu hiiliyay caddaaladda.
” Maanta, ugu dambeyntii dunidu waa ogtahay runta, guushani aniga kaliya ma ahan ee waa mid kasta oo dumar ah oo dhibsatay sababtoo ah waa la rumaysan waayay.” ayey tiro qoraa E. Jean Carroll .
Go’aankan kasoo baxay maxkamadda sare ee ku taalo dalka Mareykanka ayaa imaanaya xilli Donald Trumo uu mar kale doonayo in uu u tartamao doorashada lagu wado in sanandka dambe ka dhacdo Mareykanka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com