Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Baledweyn (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi uu hogaaminayo oo maanta soo gaaray Magaalada Beledweyne ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay Garoon diyaaradaha ee Ugaas Khaliif.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo ka koobnaa Wasiiro iyo Masuuliyiin kale waxaa garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif kusoo dhoweeyay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, iyo Ku Xigeennadiisa, Maamulada degmooyinka Beledweyne, Maxaas iyo Matabaan, Saraakiisha Hay’adaha amniga, Saraakiisha Ciidamada Hiilwalaal, iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn u mahadceliyay Masuuliyiinta iyo bulshadii kusoo dhoweeysay Magaalada Beledweyne waxa uuna ka mahadceliyay guulaha laga gaaray dagaalada lagula jiro khawaarijta
isagoo adkeeyay in la dardargalin doono wajiga 2aad ee Howlgalada.

Related posts

Saraakiil iyo xubno badan oo katirsan Al Shabaab oo la laayay ( Magacyo)

Cabdi Cade

Ciidamada Danab oo howlgal ku dilay sargaal katirsan Al Shabaab (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wasiirka Difaaca oo hal arrin uga digay ciidamada gobolka Hiiraan ka dagaalamaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---