Somaliland oo War kulul ka soo saartay rabshadihii maanta hareeyey Boorame

Guddoomiyaha gobolka Awdal ee Maamulka Somaliland Maxamed Axmed Caalim Tiimbaro ayaa ka hadlay rabshadihii maanta ka dhacay Boorama.

Tiimbaro ayaa ayaa sheegay in dad dano gaar ah leh ay ka dambeeyaan rabshadahan kuwaasoo ku soo dhex dhuumanaya ayuu yiri dadweynaha reer Awdal.

Waxaa uu ka dhawaajiyay in cadaalad la marsiinayo askarigii ka dambeeyey dilka taliye ku-xigeenkii ciidamada badda ee xeebta gobolka Awdal.

“Rabshadaha ka dhacay magaalada waxaa ka dambeeya dad wax magarato oo dumar iyo carruur ka kooban kuwaasoo ay dad muraad kale leh soo abaabuleen waxay weerareen xarumihii dowladda, arrinta marmarsiyaha laga dhiganayo waa sarkaalka dhintay oo kiiskiisa aan  sidii ugu dhaqsaha badneyd u maamulnay,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Awdal.

Waxaa uu xusay in dadka rabshadaha ka dhigaya magaalada Boorama aysan aheyn ehelka marxuumka la dilay, isagoo xusay inay gadaal ka riixayaan dad aan kiiskan shaqo ku laheyn ee marmarsiiyo ka dhiganaya, si buu yiri amniga loo khal khal gelinayo.

Kiiska dilka taliyaha ayuu sheegay inuu marayo Maxkamadda derajada labaad si deg deg ahna loo fulinayo qisaasta dilka, Waxaa ugu baaqay in bulshada reer Awdal inay iska qabtaan dadka nabadgelyada wax u dhimaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -