Allbanaadir.com
NEWS

Waxyaabaha Qarxa oo la doonayay in lagu weeraro Dibad baxayaal oo lagu qabtay Kampala

Ciidamada amaanka Uganda ayaa sheegay in ay heleen walxaha qarxa oo la doonayay in loo adeegsado mudaaharaadyo ka dhan ah dowladda oo la qorsheeyay in ay ka dhacaan caasimadda Kampala.

Urur u dhaqdhaqaaqa xoriyadda Uganda, ayaa ku baaqay dibadbaxyo dalka oo dhan ka dhacaya maalinta Isniinta ah oo looga soo horjeedo musuqmaasuqa iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee dalka ka jira.

Afhayeenka difaaca, Brig Felix Kulayigye, ayaa bartiisa twitterka ku sheegay in walxaha qarxa laga helay Nabweru oo ku taalla wadada aada Kazo ee bartamaha degmada Wakiso.

Afar qof ayaa la soo qabtay kuwaas oo lagu eedeyay in ay wateen walxaha qarxa, sida ay ciidamadu sheegeen.

Booliiska ayaa dhaqdhaqaaqayaasha uga digay abaabulka mudaaharaadyada, iyagoo ku tilmaamay kuwo sharci darro ah.

Related posts

Puntland oo digniin ka bixisay qorshe Somaliland ka damacsan tahay Sanaag

Caydiid Ali

Shirkii beesha caalamka iyo shanta dowlad goboleed oo baaqday (Sababta)

Caydiid Ali

Gaari Rakaab ah oo lagu qarxiyay Duleedka Balcad iyo dad badan oo ku dhamaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---