Shirkad caan ah oo shaqaalaheeda siisay fursado yaab leh oo aan horey loo arag

Shirkadda weyn ee howlaha xisaabaadka ee PwC ayaa billowday sharci cusub oo qaar ka mid ah shaqaaleheeda cusub ee ay qoraneyso u oggolaanaya inay shaqeeyaan saacadaha ay rabaan.

Xeerakan shaqada sahlaya ayaa dadka xirfadaha leh fursad u siinaya inay waqtiyadooda ugu fiican sheegaan marka ay shaqada soo codsanayaan.

Shirkadda PwC oo ay xarunteeda ku taallo magaalada London ayaa talaabadaan ku micneysay mid ay ku soo jiidaneyso dadka xirfadaha sare leh ee aan dooneynin in lagu xannibo waqtiga caadiga ah ee la shaqeeyo ee u dhaxeeya 9-ka ilaa 5-ta.

Qorshahaan ayaa waxaa ka mid ah in shaqaalaha cusub ay xitaa saacadohooda shaqada ka dhigan karaan waqtiyo kooban oo ka mid ah maalmaha dhammaadka isbuuca.

Waxaa sidoo kale loo oggolyahay in ay maalmo kooban ka shaqeeyaan dhowr bilood oo ka mid ah sannadka.

PwC oo xeerkan qeyrul caadiga ah la timid ayaa aaminsan inuu fursad buuxda siin doono dadka horumarka gaarsiin kara shirkadda.

Shirkaddan oo loo yaqaanno in ay ka mid tahay afarta shirkadood ee ugu waaweyn dalka Ingiriiska ayaa go’aankan ku dhawaaqday ka dib markii daraasad ay dhawaan sameysay ay ku ogaatay in dad fara badan ay door bidaan saacado shaqo oo gaar ah.

Boqolkiiba 46% ka mid ah 2,000 oo qof oo ay shirkaddaan su’aalo ka weydiisay arrintaan ayaa isku raacay in qaabkaas uu yahay midka kaliya ee ay jeclaan lahaayeen, iyadoo Ilaa hadda 2,000 oo shaqaale cusub ah ay isku diiwaan galiyeen in ay xeerkaas ku shaqeeyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -