Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Israel oo ka aargudatay shacab ka dib cashar loo dhigay

Kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta Qasa ayaa 24kii saac ee la dhaafay fuliyay howlgallo ay ku beegsadeen ciidanka Israa’iil ee ku sugan gudaha Qasa.

Inta ay weerarrada socdeen waxaa geeriyooday saraakiil iyo askar ka tirsan ciidanka Israa’iil oo aan si rasmi ah tiradooda loo soo bandhigin, halka taangiyo iyo gaadiid kale oo dagaal laga gubay ciidanka Israa’iil.

Israa’iil oo ka carootay weerarradan ayaa waxay ku jawaabtay duqeyn ay ku dishay ku dhowaad 100 Falastiiniyiin ah 24kii saac ee la soo dhaafay taasoo ay ku jirto duqeyn ay la beegsadeen iskuul ku yaalla Khan Yonis oo ay ku barakaceen qoysas badan.

Telefishinka Israa’iil ee Channel 12, ayaa sida ay ka soo xigatay Al-jazeera, wuxuu ku warramay inay Xamaas bilowday inay ka dhisto dhulka hoose ee Qasa, godod cusub, sababtoo ah warshadaha soo saara qalabka loo baahanyahay ee Xamaas ayaa wali shaqeynaya, mar kasta oo dagaalka uu istaaganaya waxay warbixintu sheegtay inay Xamaas awood u leedahay inad u gudubto dhinaca Israa’iil oo ay fuliso weerarro la mid ah midkii 7 Oktoobar.

Isra’iil oo dagaalka Qasa ku sheegtay midkii ugu dheeraa taariikhda ayaa sidoo kale la kulmaysa guul-darradii dagaal ee ugu xumeyd, iyadoo taageerro dhammeystiran ka helaysa Mareykanka iyo xulufada reer galbeedka, in ka badan sagaal bilood oo dagaal uu ka socdo magaalo go’doon ahayd 20 sanno, waxay Israa’iil awood u yeelan wayday inay soo furato 200 maxbuus iyo soo bandhigista sawir muujin kara guul ay dagaalka ka gaartay.

Related posts

Madaxda Jubbaland iyo Puntland oo shuruudo adag ku xiray Imaanshaha Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo goor dhow gaaray Magaalada Marko ee gobolka Sh/hoose

Caydiid Ali

(Akhriso) Xassan Shiikh oo Magacaabay Gudoomiye ku-xigeenada G/Banaadir

Caydiid Ali