Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo kormeer ku tagay Garoon heer Caalami oo dhismihiisu socdo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo indha-indheeyay garoonka diyaaradaha ugu wayn degmada Caabudwaaq, kaas oo loo dhisayo si heer caalami ah, gacantana ay ku hayso shirkad ku taqasustay dhismaha garoomada diyuuradaha.

Masuulka dhismaha garoonka ayaa xusay dhabbaha diyuurahadaha garoonkan, uu balac ahaan lamid tahay garoomada waa wayn ee Soomaaliya, mudo sedex bilood ahna lagu soo af meerayo dhismihiisa, sidoo kalana la filayo in ay ka soo caga dhigtaan, diyaarado heer caalami ah.

Madaxweyne Axmed Cabdi kaariye ayaa xusay in Galmudug markii ugu horeesay ay heli doonto garoon heer caalami ah, sidoo kalana ugu baaqay shacabka reer Galmudug in ay maal gashtaan, isku tashina ku dhistaan deegaanadooda.

Related posts

Doorashada 2020 Waa Tijaabada Horumarka Dimoqraadiyada Soomaaliya

Cabdi Cade

Madaxweyne Gaas oo Nin Dhalinyaro ah u magacaabay Gudoomiyaha gobolka Sool 

Cabdi Cade

Hogaamiyaha TPLF oo digniin kama dambeys ah siyey dowlada Itoobiya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---