Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Cirro oo si adag uga hadlay rabshidihii ka dhacay Burco

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka hadlay mudaharaadkii Burco ee dhaliyay khasaaraha nafeed iyo midka maaliyadeed, isaga oo sheegay inuu ka baroor diiqayo dadkii ku dhintay banaabaxyadaasi. Waxaa uu kaloo sheegay inay baaris ku samaynayaan wixii ka dhacay Burco, ayna talaabo ka qaadayaan ciddii ku lug yeelatay “kicinta lagu sameeyay bulshada”, sida uu sheegay.

Waxa uu kaloo sheegay in uu wafdi balaaran oo xukuumadiisa ah uu u diray Burco, ayna isla waafaqeen guddigii ku jiray xallinta shaqaaqada dhacday in go’aamadii ay soo saareen la fuliyo, Waxa uu xusay in la sii daynayo dadkii lagu qabtay mudaharaadyada.

”Waxaan idiinla hadlayaa in aan ahay Aabe ka murugaysan geerida iyo khasaaraha ku dhacay qaranka, waxaan ahay muwaadin ka damqanaya wixii ka dhacay iyo xanuunkii ka dhashay Burco shalay. Waxaa inaga geeriyooday laba xubnood oo ka mid ah shacbiga Somaliland oo ay ahayd in aysan inaga bixin, hase yeeshee qofna saacaddiisa uu dhimanayo ciddi baajin mayso, waxaa inaga dhaawacmay tiro farabadan oo shacbiga ah, ciidamada booliska iyo ciidamada qaranka, waxaan la qayb sanaynaa tiiraanyada wixii ka dhacay Burco” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay inay baaris sameyn doonto xukuumadiisu, ciddii ay ku caddaatana inay ku lug lahaayeen kicintii dadweynaha Burco ay hor keeni doonaan caddaalada.

”Waxaan u sheegayaa shacbiga Somaliland iyo iyo reer Burcaba in dadka lagu kiciyay war been ah oo aan jirin, taasina waxa aynu ka baranaynaa in aynu ka digtoonaano wixii hadda ka dambeeya in aynu beenta iyo wararka aan sugnayn ka fogaano oo wixii ka dhacay Burco aanay mar dambe inoogu soo noqon” ayuu yiri.

Rabshadaha dadka badan ku dhinteen ee Khamiistii ka dhacay Burco ayaa ka dhashay warar baraha bulshada la soo galiyay oo la xiriira in Somaliland ay sii daynayso maxaabiistii lagu soo qabtay dagaaladii Laascaanood.

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in maxaabiista harsan ee weli xiran ay ka shaqaynayaan sii dayntooda.

”Waxaynu ogsoonahay duruufta ay ku nool yihiin qoysaska saraakiisha inaga xiran ee maxaabiista ah. Xilka koowaad baan iska saarnay in aan soo dayno maxaabiista dhamaantood in aynu ku guulaysanay waa la socotaaan, inta kalana waxaa naga go’an oo aan wadadeediina haynaa sidii loo siidayn lahaa”

Labo qof ayaa inta la ogyahay rabshadihii Khamiista ee Burco ku geeriyooday, iyada oo ilaa 39 qof ay ku dhaawacmeen. Ilaa 10 saac ayaa mudaharaadku uu socday, iyada oo mar dambe lagu guulaystay kala cayrinta banaabaxayaasha, sida uu sheegay Sulaymaan saxansaxo oo wariye madaxbanaan ah.

Source BBC

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha Booliska oo digniin soo saaray & gaadiidka shabaqlaha oo jidadka Muqdisho la soo dhigay

Caydiid Ali

Iran oo si adag ugu jawaabtay Waddamada Reer Galbeedka ee eedeynta usoo jeediyay

Cabdi Cade

Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya oo mar kale u geftay Soomaaliya (Arag Caddeyn)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---