Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa u magacaabay Aadan Maxamed Mungaay Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Horumarinta Mashaariicda iyo Xiriirka Hay’adaha ee Gobolka Gedo.
Magacaabistan uu sameeyay Madaxweynaha Jubbaland, ayaa kusoo aadeysa xilli dowladda Soomaaliya qorshayaal ka dhan ah maamulkiisa ka wado degmooyinka katirsan gobolka Gedo.