Dayuurad ku burburtay wadanka Itoobiya iyo dad badan oo ku dhintay (Daawo Sawirro)

Ugu yaraan 18 qof ayaa dhintay, ka dib markii helikobtar uu milateriga Itoobiya leeyahay ay ku burburtay duleedka caasimadda Itoobiya e Addis Ababa, iyadoo Maamuleyaashu ay sheegeen in cidina aysan ka badbaadin shilkaas.

Saraakiisha ayaa sheegay in dayaaradaas milateriga ay ka soo duushay magaalada Diri-dhabe ee bariga Itoobiya ayna ku sii jeedday magaalada Addis Ababa markii ay ku dhacday Bariga Shoa ee gobolka Oromia.

Warar deegaanka laga helayo waxay sheegayaan in 15 askari iyo seddex qof oo rayid ah ay saarnaayeen.

Sababta shilka dhalisay weli lama ogaan, laakin saraakiil sare ayaa sheegaya in baareyaasha iyo kooxaha baadigoobka iyo samata bixinta loo diray halkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -