Shan kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir oo xilka laga qaadayo

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in dhawaan isbadal lagu sameenayo maamulada qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana isbadalkan xilka ku weyn doono Gudoomiyaasha hada shaqeeya qaarkood.

Sida aan xogta ku helnay wajiga koobaad ee isbadalka maamulada Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa saameyn doona shan ilaa lix degmo, waxaana maamulka gobolka qorshihiisu yahay in aan hal mar xilka laga wada qaadin Gudoomiyaasha hada shaqeeya .

Xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa si weyn looga hadal hayaa isbadalka lagu sameenayo maamulada degmooyinka qaarkood, waxaana si weyn loo hadal hayaa Gudoomiyaasha cusub ee badalaya kuwa xilka laga qaadayo.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Degmooyinka ay saameyn doonto isbadalka dhinaca maamulka ay ugu horeeyaan Degmooyinka Dayniile, Waabari, Yaqshiid,Kaaraan iyo Degmada Shangaani oo mudo bilooyin ah aan la heyn Gudoomiye Degmo.

Gudoomiyaasha Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa hada waxaa lasoo darsay walaac xoogan oo ku aadan in xilkooda weyn doonaan, Gudoomiyaasha qaarkood ayaaba hada bilaabay in ay boorsooyinkooda sii xir xirtaan.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweenaya isbadalka la filayo in lagu sameeyo maamulada degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana shacabka dhib ku qabaan maamulada hada jira oon la imaan wax qabad kuna fashilmay howlihii loo igmaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -