Theresa May oo shaacisay hadal ka farxiyey ciidamada AMISOM ee ka howlgala Somalia

Ra’isal wasaaraha Ingiriiska Theresa May oo maalmahan socdaal ku maraysay dalal Afrikaan ah ayaa maanta kulan kula yeelatay magaalada Nairobi madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, halkaasoo ay socdaalkeedii saddexda maalmood ahaa ee Afrika ku soo gabagabaynayso.

Theresa May, ayaa waxa ay ku dhawaaqday in Britain ay kordhinayso taageerada ay siiso ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Mrs May oo arrintaas ka hadlaysa waxay tiri: ” UK waxay sii wadi doontaa ka go’naanshaha iyo taageerada ay siiso geesiyaasha Soomaaliya kula dagaallamaya Alshabaab”.

Waxay kaloo intaa ku dartay in UK  ay kordhineyso maalgeshiga ay ku sameyneyso qaarada afrika

“UK ayaa hadda ah dalka maalgashiga u badan ku sameeya Kenya, waxaana todobaadkan soo bandhigay qorshaheenna ku aaddan sidii aan ku noqon lahayn dalka ugu horreeya waddamada G7 ee maalgashiga u badan ku sameeya qaaradda Afrika marka laga gaaro sannadka 2022. Xilli ay Britain isu diyaarinayso inay ka baxdo Midowga Yurub, ayaa waxaa naga go’an inaan xaqiijino in si habsami leh uu u socdo ganacsiga ka dhexeeya labadeenna dal, anagoo ganacsigeenna xooggan asaas uga dhigayno si aan fursado kale ugu helno shirkadaheenna iyo dadkeenna.

Uhuru Kenyatta oo faahfaahin ka bixinaya arrimaha kale ee masuuliyiintu ay isla soo qaadeen ayaa yiri

“Waxaan aragnay inay hoos u dhacday khatarta gobolkeeda nugul uga imanaysa argagaxisada. Waxaan soo dhaweneynaa ballan qaadka UK ee ah inay taageerayso howlgalka muhiimka ah ee AMISOm, dalalka kale ee caalamkana waxaan ugu baaqaynaa inay sidaa oo kale sameeyana.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -