Maamulka gobolka Banaadir oo soo saaray go’aan lagu xoojinayo amniga (Sawirro)

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Cali Cabdi Wardheere (Cali yare) ayaa shir gudoomiyay kulan looga hadlayay dardar-gilinta Amniga Magaalada Muqdisho oo ka dhacay Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii la isugu xiri lahaa Hay’adaha Amniga iyo Maamulada degmooyinka iyo dardar gelinta howlgalada lagu xoojinayo xasiloonida caasimada

Waxaa lagu go’aamiyay kulankaas in la soo celiyo kormeerkii joogtada ahaa ee ay wada sameyn jireen Hay’adaha Amniga iyo Maamulada Degmooyinka kaasoo lagu xaqiijinayo Amniga magaalada.

Waxaa kaloo kulanka looga hadlay u diyaar garoowga Amniga Doorashooyinka fooda nagu soo haya.

Kulanka oo ku soo dhamaaday jawi wanaagsan, waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin, Agaasimiyaasha Waaxyaha Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir, Lataliyaal iyo Saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -