Dowlad muslim ah oo Eey ugu abaalguday dowlad kale (Sabab cajiib ah)+Sawirro

Turkiga ayaa laga soo duuliyey Eey si uu ugu muujiyo Mexico abaalka ay u gashay ka dib markii ay ku caawisay eeyo loo adeegsaday in lagu baadi goobo dadka ku jiray dhismeyaasha hoostooda ka dib markii uu Dhulgariir ku dhuftay Turkiga bishii Febraayo ee sannadkan.

Eeygan oo ah nooca loo yaqaan ari-jirka Jarmalka  ama afka qalaad “German shepherd” ayaa ka degay Mexico

Turkiga ayaa sheegay in uu rajeynayo in eeygan yari sii wadi doono dhaxalkii Proteo oo ahaa Eey ku dhintay hawlgalkii dadka lagu baadi goobayey kana mid ahaa kuwa ay Mexico ku deeqday.

Eeygan yar ayaan weli loo loo magac bixin, iyadoo Wasaaradda Gaashaandhigga Mexico oo tababar siisa eyda loo adeegsado baadi goobka iyo samata bixinta ay dadweynaha ka codsatay inay u codeeyaan mid ka mid ah saddex magac oo kala ah: Proteo-gii labaad, (Arkadas) oo afka Turkiga ka dhigan Saaxiib ama (Yardim) oo af Turkish ah, kana dhigan gargaar.

Mexico ayaa sheegtay in hadiyadda Turkiga ee Eeygan ay muujinayso in “gargaarka biniaadminimo uusan xad iyo soohdin toona lahayn, ayna ku faraxsan yihiin talaabada Turkiga.

In ka badan 50,000 kun oo qof ayaa ku dhintay dhul-gariirka oo Turkiga u badnaa balse sidoo kale saameeyay qaybo ka mid ah Suuriya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -