Wararkii Ugu Dambeeyay Banaan bax ka socda magaalada Baladweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya xaafado katirsan magaaladaasi ay ka socdaan banaan bax looga soo horjeedo Madaxweynaha maamulka Hirshabelle.

Dadka banaan baxa dhigaya ayaa ku dhawaaqaya ereyo ay uga soo horjeedaan Hirshabelle gaar ahaan Madaxweyne Waare , waxa ay sidoo kale dibad baxayaasha taageero u muujinayaan Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed.

Sida aan wararka ku helnay dadka dhigaya banaan baxa ayaa dhagxaan ku xiray qaar kamid ah wadooyinka magaalada Baladweyne, waxaana banaan baxa saameyn ku yeeshay qeybo kamid ah magaalada.

Dibad baxaaasha ayaa wata boorar ay ku qoran yihiin ereyo ay kamid yihiin ”ka Dhiidhi dhibaatada Hirshabelle ku heyso gobolka Hiiraan, iyo Hirshabelle dooni meyno anagaa aayaheena ka tashaneena”.

Banaan baxan ka socda magaalada Baladweyne ayaa kusoo aadaya xili xiisad siyaasadeed ee ka jirto magaalada Baladweyne, kadib markii uu Madaxweynaha Hirshabelle xilka ka qaaday Gudoomiyihii Hiiraan Yuusuf Dabageed oo isna ka biyo diiday xil ka qaadistaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -